Jubba Airways Oo Shatigii Lagala Noqday

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ruqsadii duulimaadyada dalka kala laabatay shirkadda duulimaadyada Jubba Airways oo lagu eedeeyay in shatigeeda ay ku duulaysay diyaaraddi shalay ka degtay magaalada Kismaayo.

Diyaaradda Fokker 50, oo lambarka diiwaankeedu yahay 5Y-JXJ, kana diiwaan gashan dalka Kenya, ayaa sida la sheegay ku duuleysay shati ay leedahay shirkadda Jubba Airways oo ka mid ah duulimaadyada dalka.

Diyaaradaasayaa jabisay xayiraadii ay dowladda federaalka ku soo rogtay bishii hore magaalada Kismaayo, taas oo ahayd in diyaaraddi tagaysa magaaladaas ay waajib ku tahay in ay soo marto magaalada Muqdisho .

Dhanka kale  Dowladda fedraalka Soomaaliya ayaa hay’adda duulimaadyada rayidka ah ee QM ee ICAO u gudbisay dacwad ka dhan ah dowladda Kenya kadib markii diyaarad kasoo duushay Nairobi ay shalay ka degtay magaalada Kismaayo.