Mamulka Jubbaland Oo Digniin Adag Loo Diray

Dowlada fedraalkla Soomaaliya ayaa digniin adag u dirtay maamulka Jubbaland, waxaana ay sheegtay in tilaabo laga qaadi doono hadii ay isku dayaan in ay hor istaagto qorshaha cusub ee dowladdu ku wajaheyso degaanada maamulka Jubbaland.

War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa lagu sheegay in qorshaha cusub ee soo xulista baarlamaanka Jubbaland iyo doorashada Madaxweynaha Jubbaland Cidii ka hor timaada ay diidan tahay Nabadda.

” Cidkaste oo si kulac ah u hor istaagta qorshaha nabadeynta iyo maamul dhisidda waxaa loo aqoonsan doona Caqabad nabadda hor taagan waxaana lala tiigsan doona Sharciga” ayaa lagu yiri Warka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha.