Roobab Xoog badan oo ka da’ay Baladweyne iyo Garoonka diyaaradaha oo xirmay

Saacadihii la soo dhaafay Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ka da’ay Roobab xoogan oo socday muddo ku dhow laba saacadood.

Roobabkan ayaa waxaa ku diirsaday dadka iyo duunyada Baladweyne,isla markaana waxaa uu biyo badan dhigay Waddooyinka ku yaalla halkaas.

Sidoo kale Roobabkii ka da’ay Baladweyne ayaa waxaa lagu soo waramayaa inuu saameyn ku yeeshay duulimaadyadii Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif,isla markaana uu xirmay.

Wariyeyaal ku sugan Baladweyne ayaa Awdinle Online waxaa ay u sheegeen in Garoonka diyaaradaha ku soo rogmaday daadad biyo badan watay,kuwaasi  oo ah roobabkii xalay ka da’day halkaas.

Inta badan xiliyada ay roobabka ka da’aan Gobolka Hiiraan ayaa waxaa saameyn ku yeesha isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha ee isaga kala goosha deegaano ka tirsan Gobolkaas,isla markaana waxaa xirma Garoonka diyaaradaha Magalada Baladweyne.