Sawiro: Wasiirka amniga Jubbaland oo Maanta Maxkamad khasab ah la horgeeyay

Home  News

Wasiirka amniga Jubbaland oo Maanta Maxkamad khasab ah la horgeeyay

Cabdirashiid Xasan CabdiNuur (Janan ) oo ahaa wasiirkii amniga Jubbaland iyo Buulle Aadan Maxamed oo ahaa taliyihii Ciidamo ka howl geli jiray Doolow iyo BeledXaawo oo loo wada heysto taciyaddo iyo eedeymo aan cadeymo heynin ka dhacay Gobalka Gedo ayaa maanta la hor geeyay Maxkamadda Gobalka Banaadir.

Cabdirashiid Xasan CabdiNuur (Janan ) ayaa Bishii hore Ciidanka Booliska Soomaaliyeed aan sharci waafadsaneyn u  qabteen isaga oo socdaal ku marayey garoonka magaalada Muqdisho kuna sii jeeday dalka Itoobiya.

Booliska dalka ayaa sheegay in eedaha loo haysto Wasiirkii Amniga Jubbaland soo dhameystireyso Waaxda dambi baarista ee C.I.D-da