Caleema saarka Axmed Madoobe oo markale dib u dhacay+Sababta

Xildhibaan Cabdirisaaq Axmed Maxamed (Jindi) oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa shaaciyey in markale dib loo dhigay xafladda caleema saarka ee Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Xildhiban Jindi ayaa sababta ku sheegay in weli ay caqabado ka jiraan safarada lagu aadayo magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Sidoo kale wuxuu sheegay in xayiraada dowladda Soomaaliya ay saartay Kismaayo ay saameysay dhammaan mas’uuliyiinta iyo xubnaha ka soo qeyb gali lahaa munaasabadda.

Khilaafka u dhexeeya dowladda federaalka iyo Jubbaland ayaa sii xoogeysanaya, iyadoona xalay dowladdu ay soo saartay habraaca doorasho ay ka qabaneyso maamulkaasi.