Jubaland oo ka hortimid habraaca doorashada

  1. Mamul Goboleedka Jubaland ayaa ka soo horjeestay war xalay ka soo baxay Waasaaradda arrimaha gudaha iyo Federaalka dowladda Soomaaliya.

Cabdi Xuseen Sheekh warfaafinta Jubaland, ayaa sheegay in habraaca doorashada ee ay soo saartay dowladda Federaalka ah uusan iyaga quseyn.

Cabdi xasan waxaa uu sidoo kale sheegay  in ay doorteen madaxweynaha Jubaland sidoo kalena u dhimanyahay caleemasaarka isna ay qabanayaan.

Dowladda Federaalka ah ayuu ku eedeeyay in aysan u tureyn dadka ay mas’uulka ka tahay waxaana uu ku dhaliilay in markii ay dowladda dhexe timid ilaa hadda aysan wax turis ah u sameeyn dadka rayidka ah.

Dowladda Federaalka ah ayaa xaaraantinimeysay doorashadii 22kii August,waxaana ay xalay soo saartay habraaca cusub ee doorashada Maamulka Jubaland ee lagu dooranayo baarlamaanka 2aad ee maamulkaas.