Kulan looga hadlay la-dagaalanka Al-Shabaab

Maxamuud sayid aadan Madaxweyne ku xigeenka 1aad ee Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa Maanta shir guddoomiyey kulanka Bilaha ah ee gudiga Amniga Jubbaland,kaas oo bishii hal jeer la qabto.

Kulanka ayaa waxaa diirada lagu saaray qodobo ay kamid ahaayeen xaaladda amni ee Jubbaland iyo dar dar galinta howlgalada ka dhanka ah Ururka Al-Shabaab.

Maxamuud Sayid ayaa sheegay in Maamulka Saraakiisha Ciidamada kala duwan ee Jubbaland iyo kuwa AMISOM ay kordhinayaan xaqiijinta dhinaca amniga.

Kulanka ituu socday waxaa la isku raacay bilaabida howlgal ka dhan ah Al-Shabaab .