Khayre Oo Daah-Furay Isku Xirka Nidaamka Maaliyadda Dalka

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), Xasan Cali Khayre, ayaa maanta daah-furay isku xirka nidaamka maaliyadda ee Wasaaradda maaliyadda (SFMIS) iyo nidaamka casriga ah ee maamulka lacagaha Bangiga dhexe ee dalka, (Core Banking system) oo ka qayb qaadanaya daah-furnaanta, la dagaallanka musuqa iyo fududeynta wada-shaqeynta bahda maaliyadda dalka.

Khayre ayaa wasaaradda maaliyadda iyo bangiga dhexe ugu hambalyeeyay nimaadkaan cusub oo qayb ka ah tallaabooyinka dhiirri gelinaya dadka Soomaaliyeed oo dhan ee qaybta ka qaadanaya horumarka, ayaa sheegay in wax wanaagsan ay tahay in la soo dhaweeyo wax walba oo xoojinaya ammaanda iyo qaranimada

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku dhiirri geliyay wasiirka maaliyadda iyo guddoomiyaha bangiga dhexe in laga sii shaqeeyo sidii nidaamka loogu faafin lahaa dhammaan dalka .