Dhagayso : Gudoomiyah Gobalka Banaadir oo loogu baaqay in uu Is casilaad

Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa loogu baaqay in uu si cazilo ka dib markii wax ka qaban waayay balan qaadkii uu sameeyay  markii xilka loo magacaabay .

Qaar  ka mid ah shacabka magalada muqdisho ayaa sheegay in gadoomiyu balantii uu qaaday uu oofin wayay

Markii xilka loo magacaabay cumar finish ayaa sheegay in sida ugu dhasi yaha badan loo furi doono jidadka xiran magalada muqdisho

Shacabka magalada ayaa soo dhoweeyay  markii cumar finish loo magacaabay xilka gadoomiyah gobalka bnaadir

August 22, 2019  Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) u magacaabay inuu noqdo guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho, sida ku cad qoraal kasoo baxay Villa Somalia.

Cumar Filish oo horey u ahaa xildhibaan ka tirsan baarlamanka Soomaaliya ayaa beddel u magacaabay Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng.Yarisow) oo 1-dii August u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray qarax ka dhacay xarunta gooblka Banaadir, 24-kii July.