Kalfadhigii Baarlamaanka Koofur Galbeed oo maanta baaqday

Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa waxaa Maanta oo Talaado ah lagu waday inuu ka furmaya Kal-fadhiga 8aad ee Golaha Wakiilada Koonfur Galbeed .

kal-fadhigan ayaa ahaa kii ugu dambeeyey maadaama Golaha Wakiilada waqtigooda uu dhamaaday, islamarkaana uu ku egyahay 1-da Bisha December ee Sanadkaan 2019.

Sababta uu u baaqday ayaa lagu sheegay in la isku fahmi waayeen mudo kordhin loo sameeyo Baarlamaanka Koofur Galbeed Soomaaliya, kadib markii xalay ilaa iyo maanta kulamo looga hadlayo arintaasi ay ka socotay Magaalada Baydhabo, iyadoona la isku afgartay in la kala diro Golaha wakiilada ee maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya.

Guddoomiyaasha Golaha Shacabka Soomaaliya iyo Jabuuti oo weli ku sugan Magaalada Baydhabo, waxaa ayna halkaasi u tageen inay ka qeyb galaan kulanka Golaha wakiilada Koofur Galbeed Soomaaliya, hayeeshee uu maanta baaqday.