Kheyre oo kormeer ku sameeyay tiyaatarka qaranka

Xasan Cali Khayre Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kormeer ku sameeyey Xarunta Tiyaatarka Qaranka, oo xilligaan dhismihiisa uu marayo meel Gebagebo ah.

Kormeerka waxaa ku wehlinyey Xubno sar sare oo katirsan Wasaaradda Warfaafinta,waxaana uu dhamaan soo marey qeybaha kala duwan ee Tiyaatarka oo uu dhismaha ka socdo.

Ra’iisul Wasaaraha  ayaa la dardaarmey Shaqaalaha iyo Madaxda Xarunta Tiyaatarka inay si wanaagsan loo dhameystiro dhismaha,xaruntan .