Nicolas Berlanga Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa maanta booqasho ku tagey magaalada Berbera ee soamaliland
Safiirka ayaa la kulmay maayirka magaalada berbera Cabdishakuur Ciddin
Waxayna kawada hadleen sidii midowga Yurub ugu wareejin lahaa lacag dhan 7.5 Milyan oo Yuuro oo loogu tala galay horumarinta magalada Berbera.
Mashruucan ayaa dawladda feraalka Soomaaliya sheegtay in loogu magac-daray Eng. Yariisow gadoomiyihii hore ee gpbalka banadir laakin jamhuuriyada iskeeda madaxbananida ugu dwaaqday Somaliland ayaa war ay soo saartay wakhtigaasi ku sheegtay in mashruuca Eng. Yariisow aan laga hirgalin karin deeganada Somaliland.
Dawladda Soomaaliya ayaa bishii Ogost ee sannadkan sheegtay in ay Midowga Yurub la saxeexatay heshiis lacageed oo dhan 22.5 Milyan oo Yuuro taasi oo 7.5 Milyan ka mid ah lacagtaasi loogu talogalay Berbera.