Madaxweynaha Djibouti Walaalkiisa oo Geeriyooday.

Geeridu waa xaq Inaa lilaahi wa inaa ilayhi raajicuun waxaa geeriyooday Sacad Cumar Geele oo maareeyihii dekedaha dowladda aan walaalaha nahay ee Djibouti.

Sacad Cumar Geele waxaa ay walaalo yihiin madaxweynaha Djibouti Mudane Ismaaciil Cumar Geele, sacad waxaa uu ahaa shaqaalaha dowladda Djibouti mudo dheer waxaa uu ahaa shaqsi qunyar socod ah oo aad u afgaaban.

Dhamaan Ummadda Soomaaliyeed waxaa ay tacsi u dirayaa dowladda Djibouti iyo Qoyska reer Cumar Geele geeridii ku timid wiilkooda Marxuum Sacad Cumar Geele.