Muqdisho Oo Laga Mamnuucay Shirarka Ka Dhanka Ah Dowlada

Dowladda Fedraalka Soomaaliya ayaa soo saartay amar si hoose loola wadaagay hay’adaha amaanka ee dowladda Soomaaliya iyo maamulada degmooyinka gobalka banaadir .

Masuuliyiinta degmooyinka gobalka iyo talisyada ciidamada ayaa lagu wargeliyay in ay joojiyaan dhamaan shirarka ka dhanka ah dowladda .

Idaacado iyo Telefishino ka howlgaladda  magaalada Muqdisho ayaa laga joojiyay baahinta muuqaalo looga hadlayo xaaladda dalka ee siyaasadda iyo amaanka. Muuqaalada la joojiyay ayaa ahaa VOX-POP (Aragtida dadweynaha).

Sidoo kale waxaa la diiday in ay warbaahinta ka hadlaan dadka ka cabanaya nadaafad darrada magaalada Muqdisho iyo jidadka xiran, waxaana warbaahinta qaar loo diiday in ay duubtaan codad dadweyne.

The Village oo aheyd goob kulmisa weriyaasha iyo siyaasiinta isugu jira mucaarad iyo muxaafad ayaa loo keenay Warqad waxaana lagy wargeliyay in maqaayadda la xiri doono, hadik ay ka dhacan shir aysan dowladdu  ka warqabin.

Hoteelo iyo maqaayado kale oo ku yaala magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale looga digay in xarumahooda ka dhacaan shirar dowladda lagu mucaaridaayo .