Dhagayso: Xildhiban Ka Tirsan Barlamanka Somaliya Oo Ka Hadlay Amniga Muqdisho

Xildhibaan Cabdiraxmaan Xaaji Adan ( Ibi) oo Galabta ka qeyb-galayay munaasabad soo dhaweyn ah oo muqdisho loogu qabtay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa waxa uu sheegay Caasimadda in aysan dhismeen hadii aanan la garab istaagin maamulka gobalka banaadir.

Waxaa uu sheegay in magaladu  aysan nabad noqoneyn,isla markaana aysan dhismeen hadii dadka muqdisho aysan daacad ka noqon bixinta Canshuurta iyo la Shaqeynta Maamulka gobolka Banaadir.

Hadalka Xildhibaan Cabdiraxmaan Xaaji ayaa kusoo aadaya xilli Siyaasiyiin iyo dad badan ay dhowr jeer Madaxda dowladda ugu baaqeen inay xooga saaraan sugida amniga Magalada Muqdisho.