Xisbiyada siyaasadda dalka oo ku adkaatay in ay tagaan xafiiska Gudiga madax banan ee doorashoyinka qaran

Xisbiyada siyaasadda dalka ayaa wajahaya caqabado iyo culeyso badan oo dowladda Soomaaliya ay kaga hor-istaageyso inay tagaan xarunta guddiga doorashada qaranka.

Fowsiya Xaaji Aadan oo horey usoo noqotay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya haddana kamid ah Xisbiyada Siyaasadda ee dalka ka jiro ayaa maanta sheegtay  inaysan xisbiyada tagi karin halkaas oo aysan awood u laheyn, taasina ay hor taagan tahay shaqadii guddiga.

Fowsiya ayaa sheegtay inay Dowladda Soomaaliya ka doonayaan inay dalka ka dhacdo Doorasho qof iyo Cod ah.

Dhanka kale guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka ayaa ugu baaqday dowladda federaalka ee Soomaaliya Beesha caalamka iyo cid waliba oo daneynaysa in dalka doorasho xor iyo xalaal ah ay ka dhacdo ay ku taageeraan sidii guddiga uu dagi lahaa booskii horay loogu qorsheeyay, waxaana hadalkeedii ka mid ahaa” Waxaan marka kale ku celinaynaa guddiga dhul weyn ayuu leeyahay, cid kasta oo Soomaaliya oo doorasho dan ka leh iney nagu taageerto sidii aan meeshaas ku dagi laheyn oo xafiisyo aan uga heli laheen, waxaa kale oo aan aad u weydiisaneynaa dowladda Soomaaliyeed in ayaduna nagu taageerto, sidoo kale beesha caalamka arrimaha dhaqaalaha iyo farsamada Soomaaliya ayaguna indhaha aysan iska tirin ee ay nagu caawiyaan”