Kalfadhiga 6aad ee labada aqal oo manta furmi doono

Madaxweynaha Dowladda Federaalka somaliya mudana Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa lagu wada in uu maanta uu  furo kalfadiga lixaad ee labada aqal .

Sida uu qabo Dastuurka dalka ayaa sheegaya in  kalfadhiyada Baarlamaanka uu xag u leeyahay in uu furo  Madaxweynaha oo halkaas ka jeediya khudbad uu kala hadlayo xaaladihii ugu dambeeyay dalka.

Kalfadhiga lixaad ee maanta ka furmaya Xarunta Booliska ee Jeneraal Kaahiye waxaa marti ku ah Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti Maxamed Cali Xaamud oo kalfadhiga lagu casuumay.

Xaamuud oo 7dii bishan soo gaaray Muqdisho ayaa u gudbay Magaalada Baydhaba halkaas oo isaga iyo Guddoomiyaha Golaha shacabka ay shir ka fureen.

Kal-fadhiyadii 4-aad iyo 5aad ee Baarlamaanka labada Aqal ayaa si kala gooni gooni ah u furmay,kadib khilaaf soo kala dhex-galay,hayeeshee dhawaan xal ay ka gaareen khilaafkii.

Maanta ayey ka qeybgeli doonaan furitaanka kalfadhiga 6aad ee labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.