Mooshin laga gudbiyey Wasiirka Gaadiid & Duulista Hawadda

Wararka lagu kalsoon yahay oo naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka ayaa sheegayo in Mooshin laga gudbiyey Wasiir ka tirsan Xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’isulwasaare Xasan Cali Kheyre.

Mooshinka ayaa waxaa laga gudbiyey wasiirka wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Salaad  Oomar.

Xildhibaan Maxamed Idriis iyo 26 xildhibaan oo kale oo ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa mooshinkaan u gudbiyey guddoonka sare ee golaha shacabka federaalka Soomaaliya.

Kulamada ugu horeeyo ee kala fadhiga 6-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta furmay ayey sheegeen Xildhibaanada gudbiyey mooshinka in laga doodi doono.

Wasiir Maxamed Cabdulaahi Salaad Oomaar ayaa lagu soo eedeeyey laba qodob oo kala ah:

1) Ku tumasho qodobo dastuuri ah

2) xad gudub ka dhan ah xaquuqda aadanaha.

In kastoo Faahfaahin buuxda laga helin tirada Xildhibaanada gudbiyey mooshinka ka dhanka ah Wasiir Oomaar, hadana waxaa la inoo xaqiijiyey ilaa 26 xildhibaan in ay si buuxda u saxiixeen mooshin.

Hadaba waxay  u badan tahay in lagu heysto amaradii xayiraadda lagu saaray Magaalada Kismaayo ee Caasimadda Jubbaland.