Soomaaliya Oo Dacwadda U Gudbisay ICAO Kenyana Jawaab Ka Bixisay

Xukuumadda Nairobi ayaa jawaab rasmi ah ka bixisay dacwadda ay dowladda Federaalka ah ee Soomaliya u gudbisay hay’adda maamlka Hawada u qaabilsan Qaramada Midoobey ee ICAO.

Sarkaal ka tirsan Dowladda Kenya oo la hadlay Wargeyska Daily Nation ayaa iska fogeeyay arrintaas waxaana uu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay xaq u leedahay in ay Hawada ku qabato diyaaradaha ku xadgudba hawadeeda hayeeshee aysan ahayn in ay ku eedeyso Dowladda Kenya.

Waxaa uu intaas ku daray in Kenya ay tahay dal u hoggaansan xeerarka Caalamiga ah islamarkaana aysan shaqo ku lahayn diyaaradda ku xad gudubtay hawada Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa hay’adda ICAO gaarsiisay dacwad  ka dhan ah kenya ka dibb markii diyaarad ka soo duushay Nairobi ka dagtay Magaalada Kismaayo.

Arrintan ayaa dab ku sii shidday muranka diblomaasiyadeed ee u dhaxeeya labada dal ee deriska ah .