C/raxmaan Cabdishakuur oo Mudo saacado ah lagu heystey Garoonka Aadan Cade ee Xamar

War goor dhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan Cabdishakuur Warsame iyo wafdigiisa oo u socday Kismaayo mudo kooban oo saacado ah lagu hakiyay Garoonka Muqdisho, ka dib markii laamaha amniga Garoonka ay sheegeen in aysan heynin macluumaadka bixitaankiisa C/raxmaan Cabdishakiir wafdigiisa, balse wadabadalo iyo xiriiro ay sameeyeen laamaha amaanka iyo mas’uuliyiin ayaa loo ogolaaday inay safraan wafsiga Xisbiga Wadajir.

Wararka ayaa waxaa ay intaas ku darayaa in Xiriir khadka telefonka ah oo lala sameeyey Agaamisaha hay’adda Wardoonka iyo Nabad-sugida Qaranka ee NISA Fahad Yaasiin lagu sii daayey C/raxmaan Cabdishakuur iyo intii la socotey.