Yaa ka dambeyay in madaxdii hore ee dalka kismaayo tagaan .

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Finish ayaa sheegay in madaxweynaha Soomaaliya maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ka dalbaday in uu dhex galo khilaafka siyaasadeed ee soo kala dhexgalay dowladda maamul gobaleedka Jubbaland.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayuu ku sheegay duqa Muqdisho in madaxweynaha uu ka dalbaday in uu ogolaado madaxweynayaashii hore ee dalka soo maray sida Xasan Sheekh iyo madaxweynaha Puntland in ay u safraan magaalada Kismaayo isla markaana uu ka aqbal;ay.

Cumar Finish ayaa shaaca ka qaaday in madaxweynuhu ka ogoladay dalbakiisa isla markaana uu uga mahadcelinayo in uu dhexgalo khilaafka dowladda fedraalka iyo maamulka Jubbland, sidaas darteedna la fasaxay duulimaadkii kismaayo iyada oo la ilaalinayo xasiloonida iyo wadajirka umadda wadahadlna laga galo arrimaha khilaafka.

“Waxaan u mahad Celinayaa madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullahi Farmajo oo iga ogolaadey in aan dhex galo Dowlada JFS iyo Maamulka Jubaland”