Duqa Muqdisho Oo Boqday Xarunta Farsamada Gacanta

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish)  oo ay Wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenada Maamulka Gobolka Banaadir iyo Xoghayaha Guud ee Gobolka ayuu booqday Xarunta Dugsiga Farsama Gacanta Xeyla Bariis ee Degmada Yaaqshiid .

Duqa  Muqdisho ayaa inta uu Kormeerka kujiray Waxa uu Warbixina Quseeya Barashada Farsamada Gacanta ka Dhageysanayay Maamulka Sare ee Xarunta Xeyla Bariise isagoo ku amaanay Doorka ay ku Lee yihiin Wax Soo Saarka Dalka Shaqa abuurka Dhallinyarada iyo Sidoo Kale Dib-usoo Nooleynta Barashada Farsamada Gacanta.

Xaruntani ayaa ah Mid ay Wax Kabartaan arday Ka kala Socota Degmooyinka Gobolka Banaadir Kuwaas oo Ka Faaideysta Barashada Farsamada Kala Duwan ee Gacanta Sida Sameynta Elektronik-ga, Sameenta Baabuurta iyo Dhismaha guryaha,

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir  Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish)  ayaa Tilmaamay in Maamulkiisa uu Muhiimad Gaar ah Siin Doono Xoojinta Barashada Farsamada Gacanta .