Ma dhabbaa in qasnada dowlada lagaga baxay lacag tiro badan .

Xafiiska hanti dhowrka qaranka wuxuu sheegay ina musuqmaasuqay sanadii la soo dhafay qasnada dowlada laga bixiyay lacago badan .

Sanadkii 2017-kii Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka waxay sheegeen in la musuq maasuqay lacag dhan 42 milyan oo doolar.

Sanadkii 2018 Hanti-dhowrka guud ee Qaranka waxa uu sheegay in la musuq maasuqay lacag ka badan 18 milyan oo doolar.

Tirada guud lacagaha la musug maasuqay waa 60 milyan oo doolar iyo dhowr boqol oo kun.

Dowlada wili jawaab kama bixin eedaha ay jeediyen xafiiska hanti dhowrka qarankan .

Xukuumadda sanadkii la soo dhaafay waxay dagaal culus la gashay Guddigii Maaliyadda ee Golaha Shacabka oo hadda waxa lagu bedalay gudi kale .a