Madaxweyne Farmaajo oo u safri doona Addis Ababa.

Khamiis October 10, 2019 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa safar aan horey loo qorsheyn maanta ugu ambabixi doonaa wadanka Itoobiyo.

Lama garanayo sababta keebtay safarka deg deg ah, hase ahaa wararka ay heleyso Awdinle Online ayaa sheegeya in Madaxweynuhu ay haystaan culeysyo siyaasadeed oo aad u balaaran, una baahan in xal deg deg ah loo helo.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegeya in Madaxweyne Farmaajo ay soo wajahday cabsi dhanka nabad-geliyada oo uu doonaayo inuu xal deg deg ah u helo, itoobiyaankuna ay caawiyaan, waxaa ayaamahan dambeba itoobiya joogay Taliyaha Hay’adda Nabad sugida iyo sirdoonka Soomaaliya ee NISA Fahad Yaasiin oo dowlada Itoobiya kala hadlaayey arimo ay ka mid yihiin sidiii magaalada muqdisho loo keeni lahaa Ciidamo Itoobiyaan ah oo ka qeyb qaata doorashooyinka soo socda iyo nabad-geliyadda Caasimadda.

Madaxweyne Farmaajo ayaa u muuqda nin ay jahada ka luntay, waxaa is weydiin mudan tolow Farmaajo si nabad ah xilka ma u wareejin doonaa.