Sheekh Shariif iyo James Swan oo kulmay

Sheekh Shariif Sheekh Axmed  ayaa Maanta  kulan la qaatay Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Amb, James Swan.

 

Sheekh Shariif kulanka waxa ku  wehlinayey madaxda xisbiga Himilo Qaran   kalanka ayaa looga hadlay  caqabadaha siyaasadeed ee dalka Soomaaliya iyo aragtida Xisbiga Himilo Qaran uu ka leeyahay horumarinta Dalka.

Ergiga gaarka ah  ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Amb, James Swan ayaa horay waxaa uu ula kulmay siyaasiyiin miisaan ku leh Soomaaliya iyo dhamaan madaxda Dowlad goboleedyada kajira dalka.