Wax ka ogow hay’addaha dakhliga qabta dibna u isticmaala

Warbixin sanadeedka Hanti dhowrka Guud uu soo bandhigay ee ku saabsan baarista Hey’addaha dowladda ayaa waxyaabaha ugu muhiimsan ee baritaankooda ay ku ogaadeen ayaa waxaa ka mid ahaa in la isticmaalay dakhli la soo uruuriyay iyadoo aanan sharciga loo marin.

Hadaba lacagaha hey’addaha dowladda dakhli ahaan u uruuriyeen ee aan qasnada dowladda ku dhicin ayaa waxaa ay kala yihiin:-

1- Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada waxay qabatay dakhli dhan $86,980 dib ayayna u isticmaashay

2- Hoggaanka Baarista Dembiyada (CID) ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxay qabteen $577,014 dib ayayna u isticmaaleen.

3- Hey’adda Duulista Rayidka waxay qabatay $130,130 dib ayayna u isticmaashay.

4- Jaamacada Ummada Soomaaliyeed waxay qabatay $556,276 dib ayayna u isticmaashay.

Wadarta dakhliga ayaa gaaraya US $ 1,350,400 oo ay isticmaaleen