Weerar lagu dilay Taliyihii ilaalada MW ku-xigeenka Hir-Shabeelle iyo askar kale oo ka dhacay agagaarka Jowhar

Ciidamo ka tirsan maamulka Hir-Shabeelle, gaar ahaa ilaalada khaaska ah ee madaxweyne ku-xigeenka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe iyo Al-Shabaab ayuu galabta dagaal culus ku dhex maray deegaan dhaca koonfurta magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Inta la xaqiijiyay lix ruux oo uu ku jiro taliyihii watay ciidanka ayaa Hir-Shabeelle looga dilay dagaalka oo in ka badan saacad ka socday deegaan lagu magacaabo Maandheere oo fatahaad uu ka sameynayay Wabiga Shabeelle.

Cabdi Xasan Cali oo ahaa taliyihii ilaalada madaxweyne ku xigeenka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe iyo shan askari oo kale ayaa lagu dilay dagaalka.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ay ciidamadu galabta gaareen deegaanka Maandheere oo koonfur bari kaga beegan magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hir-Shabeelle.