Wafdi Ka Socda Kenya Oo Gaaray Kismaayo

Xildhibaan Aadan barre Ducaale iyo Wafdigii uu hogaaminaayay ayaa gaaray magaalada kismaayo, waxaana garoonka diyaaradaha siyad maxamed kusoo dhaweeyay madaxwaynaha jubaland iyo xubnaha  maamulkaasi

Wafdigaan ayaa ka qeyb gali doona Xafladda Caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe.

Amar  xalay ka soo baxay dowlada fedraalka somaliya ayaa lagu sheegay in la mamnuucay duulimaad kasta oo ka yimaada Kenya ee ku socda Kismaayo.

Dowladda Kenya ayaa markii labaad jabisay Xayiraada dowladda Soomaaliya.