Magalada kambala ee dalka ugand ayaa lagu qabtay xaflada caleema saarka gadoomiyaha midowga ardayda ugand
Xaflada caleema sarka gadoomiyaha waxa ka soo gayb galay gadoomiyaha jaaliyada konfur galbed ee dalka ugand bulshada qaybaheeda kala gedisan ardayda wax ka barata dalkaas .
Sidoo kale caleema saarka maxamed cusman ahmed ayaa lagu cazuumay dadka ka soo jeeda deegnada mamul gobledyada dalka ka jira sida hirshabeele jubbaland puntland galmudug Somaliland .
Intiii xaflada socotay waxa gobta lagu soo bandhigay riwaayadooyin ka hadlaya caqabaha xilka lagula kulmo .
Marti sharaftii ka soo qayb gashay xafalada ayaa ku tilmamay maxamed cusman in uu yahay qof gudan karo waa jibka shaqo ee loo igmaday
Gadomiyaha jaliyada konfur galbed somaliya Muuse mohamed abdulaahi ayaa ka hadlay goobta waxana uu kula dardaarmay gadoomiyah la caleema saaray in uu noqdo mideeyihii ardayda wax ka barata dalkaas .
Maxamed Cusman Ahmed Gadoomiyah cusub midowga ardayda konfur galbed somaliya ee dalka ugand ayaa u mahad celyay gudigii soo qaban qaabiyay xaflada caleema saarkiisa .
Gadoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa balan qaaday in uu midayn doono ardayada ku nool wadankaas waxana uu balan qaaday mudada xilka uu xilka hayo in daacadnimo ula shaqayn doono dhamam ardada .
20 July ee sanadkan ayaa Maxamed Cusman Ahmed Loo Dortay Gadoomiyaha midowga Ardayda Konfur Galbed Somaliya Ee dalka ugand