Qabanqaabadda Caleema Saarka Jubbaland Oo Socda

Qabanqaabadii ugu dambeysay ee Xaflada Caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland ayaa ka bilaabatay Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG ah ee maamulka Jubbaland.

Ammaanka Magaalada Kismaayo ayaa si weyn u adkeeyay  Ciidanka Jubbaland waxaana Xaafaddaha kala duwan ee Kismaayo ka socda howlgallo lagu xaqiijinaayo Ammaanka.

Xafladda Caleema saarka ayaa ka qayb galaya  siyaasiyiin, Xildhibaano ka tirsan Labada Gole iyo marti sharaf kale.