Mooshin Ka Dhan Ah Ciidamada Kenya Ee  Jooga Soomaaliya Oo La Wado

Maxamed Cumar Dalxa  oo ka mid ah baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in xildhibaano badan isga ka mid yahay  ay wadaan mooshin ka dhan ah ciidamada Kenya ee jooga  qatbo ka mid ah wadanka Soomaaliya.

 

Dhawaan ayaa  la furay kalfadhiga 6aad ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay xildhibaan Dalxa in fadhiyadooda ugu horeeya ay baarlamaanka hor geyn doonaan mooshinka ka dhanka ah ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISON

 

Ciidamada cirka Kenya ayaa duqeyn lagu beegsado shacab iyo xoolo Soomaaliyeed waxa ay si joogto ah uga gystaan gudaha dalka Soomaaliya, gaar ahaan gobolada Jubbooyinka iyo Gedo ee koonfurta dalka.

 

Xiriirka Kenya iyo Soomaaliya ayaa xumaa wayihii dambe, iyadoo khilaafka ugu weyn uu ka taaganyahay kiiska badda ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo dacwadiisa ay Soomaaliya geysay madaxkadda ICJ .