Qaar kamid ah Musharrixiinta Galmudug oo diiday Guddiga Farsamada

Qaar kamid ah Musharrixiinta Madaxweynaha Galmudug ayaa war ka soo saaray Guddiga  dhismaha Maamulka Galmudug  .

 

Musharaxiinta ayaa sheegay in Guddiga dowladda Soomaaliya ay Magacowday ay yihiin Shaqaallaha Rayidka ah ee dowladda, islamarkaana aysan jirin wax wadatashi ah oo laga siiyay dadka deeganada Galmudug.

 

Musharaxiinta ayaa sidoo  kale sheegay in xubnaha Guddiga ay ku jiraan shaqsiyaad la shaqeynaayay Musharax Qoor Qoor oo ka mid ah Musharaxiinta Galmudug.

Dhawaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha dowladda Soomaaliya ayaa  Magacaabay Guddiga Farsamada maamul dhisida Galmudug,kuwasi oo ka kooban 13 xubnood.