Shil diyaaraded oo ka dhacay dalka Itoobiya

Diyaarad nuuceedu ahaa SU-27 oo ka mid ahayd diyaaradaha miiga dagaalka ee dowladda Itoobiya ayaa ku dhacday buuraleyda Bishuftu oo u dhaw magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

Labo sarkaal oo la socotay diyaaradda ayaa ku geeriyooday waxaana gabi ahaanba bur burtay diyaadii,

Shilkan ayaa  ka dhacay meel aan ka fogeyn goobtii ay horay ugu dhacday diyaadadii rakaabka ahayd ee 737, taas oo ay ku dhinteen ku dhawaad 200 oo ruux oo ay ku jireen dad Soomaaliyeed.