Abaabul Ka Socda Degmadda Garba Haaray

Magalada Garbahaaray  ee gobolka Gedo waxaa  ka socda maanta  dhaq-dhaaq ay wadaan dadka magalada ku nool .

 

Dad aad u fara badan ayaa iskugu soo baxay wadooyinka magaalada, waxaana lagu wadaa in goor dhaw uu ka dhaco banaanbax looga soo hor jeedo caleema saarkii Axmed Madoobe ee shalay ka dhacay magaalada Kismaayo .

 

Dhamaan dadka shacabka ah ee ku nool magaalada Garbahaarey ayay soo  xireen goobahoodii ganacsi, iyagoo abaabulaya banaanbaxyo ay uga soo horjeedan caleema saarka Axmed Maxamed Islaam.