Ciidamo Ku Biiray Maamulka Puntland kana soo goostay somaliland

Gobolka Sanaag  Wararka naga soo gaaraya  ayaa  sheegayaan in Ciidamo ka tirsan Somaliland oo ku sugnaa deegaan ka tirsan Gobolkaas saakay ay ku biireen Ciidamada dowlad Goboleedka Puntland.

Ciidamadan oo ka tirsan Guutada 93aad ee Somaliland kuna sugnaa deegaanka Ceelbuh ee Gobolka Sanaag ayaa la sheegay in ay ku biireen Ciidamada Puntland ee jooga qeybo kamid ah Gobolkaas.

Puntland ayaa sheegtay in Ciidanka Somaliland ka soo goostay ay yihiin kuwii ugu dambeeyay u joogay Degmada Badhan ee Gobolka Sanaag,waxaana hogaaminayay Gaashaanle Mustafe Siciid Toor,isla markaana watay gaadiika nooca dagaalka ah.

Ilaa iyo hada ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Somaliland oo ay uga hadlayaan wararka sheegaya in Ciidankii ka joogay deegaanka Ceelbuh ay ku biireen dhanka maamulka Puntland oo dagaal adeg kala dhexeeyo.

Soomaaliland weli kama hadlin Warkaan kasoo baxay Puntland iyo ciidamadan ay soo bandhigeen oo ay sheegeen inay ka tirsanaayeen Soomaaliland balse ay kusoo biireen Puntland.