Dowladda Soomaaliya oo Qorsheyneysa in ay Dalka ka Ceyriso Danjiraha Kenya

Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka heleyno Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo  ayaa sheegay in Dowladda Federalka ah ee Soomaaliya ay qorshaynayso inay Dalkeeda ka cayriso Danjire (Rt) Gen. Lucas Tumbo oo ah Safiirka Kenya u fadhiya Caasimadda dalka ee Muqdisho.

Talaabadan ayaa lala xiriirinayaa markii Kenyan ku soo xadgudbeen Hawadda Soomaaliya, isla markaana ay jabiyeen Amarkii Dowladda ee ahaa in Diyaaradaha u socda Kismaayo in lagu hubiyo garoonka caalamiga ah ee muqdisho.