Faallo: Heshiiskii Taariikhiga ahaa ee Xisbiyada Shiinaha

Qore Danjire 
Awale Ali kullane

October 13, 2019

Sanadkii 1937dii waxaa go’aan tariikhda galay gaarey mucaaradkii iyo dawladii Shiinaha oo xiligaas ka dhaxeeyey mucaaradnimo dagaal fool ka fool ah gaartay.

Xisbigii shuuciga Shiinaha oo waqtiga ahaa mucaarad iyo xisbigii talada dalka hayey ee Kuomintang ayaa markii boqortooyadii Japan kusoo duushay dalkoodi gudahana usoo gashay gobolkii manchuria ku heshiiyey in ay midoobaan inta uu cadow shisheeye ku jiro taako dalkooda kamida.

Mucaaradkii iyo dawladii Shiinaha waxay garteen in midnimada iyo madax banaanida qaranka ay ka weyntahay siyaasada iyo khilaafka dhexdooda ah.

Hadaba maanta mucaaradka Somaaliya maxay tariikhda ka qori doontaa?
Ma waxay ka qori doontaa in ay jirtay maalin ay shisheeye Bari iyo Badba dalkoodi soo hunguri-yeeyey caleemo qoyan kusoo dhaweeyeen si ay dawladooda uga ciil-goosataan?

Yaan la iloobin in madax banaanidu tahay aas-aaska qaranimada. Wax kastoo la isku hayana ka horeyso.