Gobolka Bakool Qaybo Ka Mid Ah Oo Ka Da Ay Roobkii Deyrta

Roob xooggan oo si weyn loogu diirsaday ayaa Xalay ka curtay Magaalada Xuddur ee xarunta Gobolka Bakool iyo degaannada ku hareereysan.

Roobkan oo da’ayay Saacado badan ayaanan geysan wax qasaare ah.

Qaar ka mid ah Dadka Xoolo dhaqatada ah ee Gobolka Bakool ayaa awdinle.com U sheegay in aysan jirin wax qasaaro ah oo uu gaystay roobka   .

Roobka Deyrta ayaa Todobaadkii lasoo dhaafay ka da’ayay degaanno badan oo Gobolka Bakool ka tirsan, iyadoo Dadka Beeraleyda ahaa ay u diyaar garoobeen beerashada dalagyadii kala duwanaa ee ay tacban jireen.