Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka oo maanta kulan yeelanaya

October 13, 2019 (AO) – Magaalada Muqdisho ayaa maanta oo Axad ah lagu wadaa in Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ay ku yeeshaan kulankii 1aad ee Kalfadhiga 6aad ee Golaha Shacabka.

Kulankan ayaa waxaa Shir gudoomin doona Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, isla markaana waxaa ka soo qeyb-galaya  kulankaas inta badan xubnaha Guddiga joogtada.

Ajandaha kulanka ayaa ah Dajinta Ajendayaasha Kalfadhiga 6aad ee Golaha Shacabka oo dhawaan Furmay.

Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka  Soomaaliya ayaa inta uu socdo kulankooda waxaa ku dejin doonaan  Ajendayaasha Kalfadhiga 6aad ee Golaha Shacabka oo dhawaan lagu wado  inuu furmo.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi  Farmaajo ayaa dhawaan si rasmi ah u Kalfadhiga 6aad Baarlamaanka  Soomaaliya ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee dalka.

Golaha waxaa u yaala shaqo aad u fara badan hase ahaa waxaad moodaan inaanay waajibaad kooda si sax ah aysan u gudaneynin sidaas waxaa yiri xoghayaha guud ee golaha shacabka jamhuuriyadda federalka ah ee soomaaliya C/kariin Xaaji Cabdi Buux.