Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Oo Booqday  Xabsiga Dhexe

Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir Garyaqaan Abshir Cumar Cabdullaahi oo ku jira howl maalmeedkiisa shaqo ayaa saakay ku tagay booqasho kadis ah saacadu markey aheyd 7:30 AM, Xabsiga Dhexe ee Xamar

Guddoomiyaha ayaa war bixin ka dhageystay Taliyaha Xabsiga dhexe ee Xamar Wuxuuna uga Warbixiya Xaaladda maxaabiista kujira Xabsiga,

 

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa kormeer ku sameeyay maxaabiista ku xiran xabsiga Qeybihiisa Taasoo kamid ah Shaqada guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka, waxaa uuna ku farxay sida wanaagsan uu Taliyaha Xabsiga Dhexe uu isaga xilsaaray arimaha dadka xuriyadooda looga qaaday in lagu dhaqan galiyo shuruucda dalka , una Edeb qaataan .balse aysan aheyn canaad .

 

Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir Garyaqaan Abshir Cumar Cabdullaahi. ayaa baaq u diray Ganacsatada Soomaaliyeed oo Alle wax siiyay In ay kaqeyb qaataan dhismaha iyo dayactirka xabsiga Dhexe