Iran Oo  Sheeg In Jawaab Ka Bixindonto Weerarkii  Lagu Qaaday Markabkeda

“weerarka fuleynimada” ee lagu qaaday markab saliidda qaada oo ay Tehran leedahay loo adeegsaday gantaal, Iran waxay ka bixindoonta  jawaab kulul  sidaasna waxaa yiri Afhayeen u hadlay dowladda Iran .

 

Wakaaladda wararka ee Iran IRNA oo soo xigatay afhayeenka xukumadda Tehran Cali Rabiic ayaa sheegtay in Markabkan weerarka loo geystay ee Sabit inuu marayey Jimcihi biyaha dalka Sacuudi Carabiya.

 

Tani iyo bishi May ee sanadkan waxaa gobolka ka dhacayey weerarro loo geysanayey maraakiibta saliidda qaadda oo ay leeyihiin waddama kala duwan.

 

Sargaal sare oo ka tirsan laamaha amniga Iran wuxuu sheegay iney hayaan muuqaal muujinaya weerarkaasi sida uu u dhacay iyada oo muuqaalka lagu arkayo laba gantaal oo markabka lala beegsaday.