Kismaayo oo caawa ka socda kulan albaaba u laaban

Caawa  Magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka juba hoose wararka naga soo gaaraya ayaa sheegaya in Caawa halkasi ay ka socdaan kulamo u dhaxeeya siyaasinta wili ku sugan kismaayo iyo huganka jubalan .

 

Kulankan ayaa u dhaxeeya  Siyaasiyiin xilal kala duwan kasoo qabtay Soomaaliya , Madaxweynaha Puntland iyo ahmed madoobe .

 

Wararka ayaa sheegaya marka uu soo dhamaado shirkooda in ay ku dhawaaqaan Isbaheysi looga soo horjeedo xukuumada somaliya ee hada jirta

 

Inta badan Madaxdii ka qeyb gashay Caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland ee an aqoonsanay dowlada fedraalka somaliya iyo beesha calamka ayaa wili ku sugan magalada kismaayo .