Soomaaliya si toos ah u diidey qorshaha Turkiga ee Syria

This picture taken on September 11, 2018 shows a general view of a meeting of the Arab League Foreign Ministers at its headquarters in the Egyptian capital Cairo, during a special session on the sidelines discussing the financial crisis of the United Nations Relief and Works Agency for Palestine Refugees (UNRWA)'s caused by the US scrapping its contributions. / AFP PHOTO / MOHAMED EL-SHAHED

October 13, 2019 (AO) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa iska diiday inay qeyb ka noqoto warsaxaafadeed ka dhan ahaa dalka Turkiga oo ka soo baxay ururka Jaamacadda Carabta.

Bayaanka oo ahaa mid lagu cambaareynayey Turkiga, gaar ahaan howlgalka uu ka wado gudaha Syria ayey dowladda Soomaaliya iska diiday inay ka mid noqoto.

Sidoo kale waxaa Bayaankan ka horyid mid dowladda Qatar oo iyana iska diiday inay ka mid noqoto Warsaxaafadeedka ka dhanka ahaa Turkiga.

Turkiga ayaa ka mid ah dalalka sida u dhow u taageero dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, isaga oo mashaariic kala duwan ka fuliya magaalada Muqdisho

Waxa kale madaxda iyo shacabka Turkiga lagu xasuustaa, sida ay sanadihii ugu dambeeyey u garab istaageen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa horay u gaartay go’aanno culus oo la xariira xiriirka arrimaha dibadda, sida midkii dhex dhexaadnimada ah ee ay ka qaadatay khilaafka wadamada Khaliijka Carbeed.