Uhuru Kenyatta Oo Si Kulul Uga Hadlay Dilkii  11ka Sarkaal

0
2

Uhuru Kenyatta  Madaxweynaha Dalka Kenya  ayaa war-saxaafadeed ka soo saaray weerarkii lagu dilay 11ka Sarkaal ee ka tirsanaa Booliska gaarka ah ee dalka Kenya.

Kanze Dena,  Afhayeenka Madaxtooyada  Kenya ayaa warbaahinta u aqriyay hadal isugu jiray tacsi, niyad dhis, hanjabaad iyo is adkeyn kaas oo uu soo saaray Madaxweynaha Kenya.

Kenyatta ayaa marka hore u tacsiyeeyay ehelka dadkii ku dhintay weerarkaas,waxaana uu sheegay in dowladdiisu aysan illaawi doonin qoysaska ay ka baxeen saraakiisha ka tirsanaa Booliska loo yaqaan GSU.

 

Shacabka Kenya ayuu ka codsaday in ay muujiyaan adkeysi  islamarkaana Hay’adaha amaanka kala shaqeeyaan la dagaallanka Argagixisada sidoo kalena ay u dhabar adeygaan dhacdooyinka noocan oo kale ah.

 

Kenya ayaa horay u xaqiijisay in 50 Gaadiidka dagaalka ah oo ay ka iibsatay Shiinaha ay u dhamaadeen weerarrada Al-shabaab tan iyo 2016kii islamarkaana ku dhinteen askar aad u farabadan.