WAR DEG DEG AH: Xarunta Xalane oo madaafiic lagu weeraray

War hadda nasoo gaaray ayaa sheegaya in madaafiic dhowr ah lagu soo weeraray xarunta Xalane ee Muqdisho ay ka degan yihiin ururada iyo hay’adaha shisheeye.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in illaa saddex madfac oo hoobiyeyaal ah ay ku dhaceen agagaarka Xalane, oo ah halka ay degan yihiin Amisom iyo QM, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Illaa iyo hadda wax war ah lagama heli karo gudaha xarunta, mana cadda haddii ay qaar ka mid ah madaafiicda ku dhaceen iyo in kale.