War Ka Soo Al-Shabaab Oo looga Hadlay Weerarkii Xalane

Dagalyahninta  Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada weerar loo adeegsaday madaafiic oo ay ku qaadeen xerada Xalane .

 

Warkan ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in duhurnimadii maanta ay dagaalyahanada  weerar qorsheysan ku beegsadeen xerada Xalane .

 

9 gantaal.ayaa lagu weeraray xalane .

Idaacadda ku hadasha afka Al-Shabaab oo la hadlay Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa u sheegay in qaar ka mid ah gantaallada ay ku dhaceen xafiisyada QM iyo midka AU islamarkaana uu halkaas ax yeelo ka soo gaartay 6 ruux oo laba ka mid ah ay yihiin Ajaanib cadaan ah, halka sidoo kalena ay sheegeen in lagu dhaawacay ugu yaraan 5 kale oo saddex ka mid ah la sheegay inay ahaayeen shaqaalaha cadaanka ah .

 

James Swan  Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, ayaa cambaareeyey weerarkii madaafiicda ahaa ee Maanta lagu qaaday xarunta Qaramada Miidobay iyo AMISOM ee Magaalada Muqdisho ee loo yaqaan Xalane.