Dadka Degan Jiinka Wabiga Oo Loogu Baaqay In Ay U Guuran Deegaanka Ceel-jaale

Maamulka gobolka Hiiraan aya wada dadaalo looga baaqsan karo in uu khasaare ka dhasho Webiga Shabeelle oo qarka u saran in uu ku fataho magaaladda Baladweyne.

Deegaanka Ceel-jaale oo ku yaala duleedka magaaladda Baladweyne ayaa loo diyaariyay in ay dadku degaan hadii uu webigu ku fataho magaalada.

 

Gudoomiye ku xigeen arrimaha bulshadda maamulka gobolka Hiiraan Sheekh Xuseen Cusmaan Cali ayaa sheegay in weli aysan fatahaadu bilaaban balse heerka biyaha webigu ay kordheen.

Gadoomiyaha oo  hadalkiisasii wata ayaa intas  ku daray in wacyi gelin la siiyay dadka degan jiinka webiga islamarkaana loo sheegay in ay alaabtooda aruursadaan.

 

“Cabsi weyn ayaa jirta deeganka  waxaana billownay wacyi gelin ku saabsan sidii looga samata bixi lahaa ayuu yiri” Sheekh Xuseen Cusmaan Cali.

 

Dad fara badan   ayaa magaaladda Baladweyne ka barakacay sanadkii 2018-kii kadib markii uu webigu ku fatahay qaybahah magaaladda.