Jig-Jiga oo la isla dhexmarayo in uu Geeriyooday Madaxweynihii Hore Ee DDS

October 14, 2019 (AO) – Warar aan Rasmi ahayn ayaa sheegaya in uu Geeriyooday Madaxweynihii hore ee Dowlad Deegaanka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar.

Warkaan ayaa soo ifbaxay ka gadaal markii maanta ay Xabsiga ku booqdeen Cabdi Maxamuud Cumar Hooyadii iyo Walaashiis kuwaas oo sheegay in ay la soo kulmeen iyadoo xaaladiisu aad u liidato Islamarkaana uu Sanka dhiig ka keenay.

Booqashadooda ka dib ayaa waxaa si aad ah isu soo taraya Wararka Geerida Cabdi Maxamuud Cumar.

Magaalada Jig-Jiga ee Caasimadda DDS ayaa arrintaan Caawa si aad ah la isula dhexmarayaa.

Ma jiro ilo lagu Kalsoonaan karo oo Warkaan Xaqiijinaya

Wixii warar ah ee arintan ku soo kordha

www.awdinle.com