Qaybo Ka Mid Ah Balad Weyne Oo Laga  Barakacay

0
2

Magaalada Beledweyne  ee gobalka hiiran    Wararka ka imaanaya ayaa sheegaya in dad badan ay ka barakaceen fatahaad uu webiga Shabeelle ka sameeyay qaybo ka mid ah  Magaalada .

 

Xaafadaha fatahaata  webiga ku sameeyay  waxaa ka mid ah xaafada howl-wadaag  iyadoona halkaasi ay boqolaal qoys ka carareen guryahoodii, waxayna dadkaani degeen deegaano hoostaga Magaalada Beledweyne oo Waqooyi bari  kaga began.

 

Cabsi badan ayaa saakay laga dareemayaa xaafadaha qaar ee Magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan,kaasi oo ku aadan in webiga uu deegaano kale fatahaad ka sameeyo.

 

Dadka deegaanka Beledweyne ayaan weli wax isu imaatin ah ka yeelan sidii ay isaga xiri lahaayeen qararka jilicsan ee webiga.