Sawiro : Roobabkii Deyrta Oo Weli Ka Da Aya Qaybo Ka mid ah Gobalka Baydhabo

Roobabkii xilliga Deyrta ayaa ka curtay meelo badan oo dalka ka mid ah, gaar ahaanna gobollada Koofureed, iyadoo meelaha qaarna laga soo sheegayo in ay roobabkaasi dhibaatooyin ka geysteen.

Roobabkan xilliga Deyrta oo inta badanna ay beeraleyda Soomaaliyeed aad ugu xisaabtamaan ayaa toddobaadkan si fiican uga billowday magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka  .

Hal isbuuc ayaa laga jooga oo magalada baydhabo uu ku da ayo roobabka

Dadka ku nool magalada ayaa ah kuwu ku faraxsan curashada dayrta  .

 

Sidoo kale dadka degen tuuloyinka  ayaa bilaabay tacbashada beeraha .

Inkastoo aanan ilaa iyo hadda la soo sheegin wax khasaare naf dadeed ama xoolo ah oo ay dileen roobabkaasi, haddana waxaa jirta khasaare kale oo xagga dhaqaalaha ah oo aad u weyn oo ka dhashay roobkan  kaddib markii ay biyaha ay  gooyeen waddooyin muhiim u ahaa isu socodka wagaarida xamuulka qaada  iyo kuwa kale oo isticmaala dadweynaha ku safra wadooyinkaas .

In ka  badan 50 baabuur oo kuwa xamuulka qaada  ayaa  hadda ku xayiran magalada baydhabo kuwaas oo u kala socday gobalad gedo iyo bakool .

 

Dadka ku xeel  dheer arrimaha roobabka oo reer baydhabo ah ayaa walaac ka muujiyay roobabka noocaan oo kale  iyagona  sheegay in shantii sano halmar sidan oo kale mar dhacdo oo roobab aad u xoog weyn ay yimaadaan kuwaasoo ay ka dhashaan daadad khasaare ba’an geysta.
Curashada  roobabkii Deyrta  ka dib ayaa socda diyaar garaw  badan oo ay sameynayaan beeraleyda gobalka bay .

 Qore ; Mohamed Ali Yonis